Home Xogta Dahsoon DHAGEYSO:Mahdi Guuleed oo si aan la fileyn u rogay dagaalka siyaasadeed ee...

DHAGEYSO:Mahdi Guuleed oo si aan la fileyn u rogay dagaalka siyaasadeed ee kala dhaxeeyo garabka Cabdi Xaashi




Iyadoo maanta doorasho ay is doorteen garabka Mahdi Guuleed soo magacaabay ayna sidaas dhinacii Cabdi Xaashi uga baaqsadeen ayaa hadana Mahdi guuleed waxa uu ka hadlay arimaha taagnaa muddooyinkii lasoo dhaafay.

Khudbad uu ka jeediyey R/wasaare kuxigeenka Soomaaliya Abuukaato Mahdi Khadar oo ka dhacday Muqdisho ayuu sheegay in cid dagaal gaar ah iskula jirta aysan jirin.

Mahdi ayaa hoosta ka xariiqay in cidii la doorto ay la shaqeyn doonaan isagoo si maldahan weerar afka ah ku qaaday Saaxiibada la jooga Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Balse Guuleed ayaa sheegay in siyaasada uun col iyo cadaawe lagu yahay wixii ka dambeeya doorashadana la arki doono iyadoo hal weel wax lagu wada cunayo oo dadku isa saamaxeyn.


Dadka siyaasada falan qeeya waxay ku sheegeen is doorashadii maanta ka dhacday Afisiyooni in ay gadaal ka riixayeen Rooble iyo Farmaajo oo isku dhinac ah una xagliyeen Mahdi Guuleed.



Source link