DHAGEYSO: Xasan Sheekh oo Fariin Qiiro leh u diray Soomaalida Qurba Joogta ah

Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibadiisa inay dalkooda kusoo laabtaan kana qeyb qaataan kordhinta horumarada ka socda dalka.

Isaga oo ku sugan dalka Ghana halkaas oo uu uga qeyb galay shirka Madasha Amniga iyo Nabadda ee Koofi Anaan ayuu sheegay in Qurba joogta looga baahan yahay in Ganacsiyada kala duwan ay dalka dibadiisa ku samey sanayaan ay u soo bedelaan dalkooda.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in si iskaashi ah dadka Soomaaliyeed ay u wada dhistaan dowlad loo wada dhan yahay oo dalkaan gaarsiin karta Amni iyo horumar ballaaran.

DAAWO MUUQAALKA