Home Xogta Dahsoon DHAGEYSO: R/wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay Shacabkii Golweyn lagu laayey

DHAGEYSO: R/wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay Shacabkii Golweyn lagu laayey




Ra’iisal Wasaaraha Dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa deg deg ugu yeeray safiirka Ugandha ee Muqdisho kusugan iyo Saraakiisha AMISOM.

Waxa uu Rooble si kulul ucambaareeyey falkii 10-kii Bishaan ciidamada ugandha 7 qof shacab ah ku dileen deegaanka golweyn ee Gobolka Shabellaha hoose.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka jawaabaya falkii ciidammo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah deegaanka Golweyn, ayaa u yeeray safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, isagoo guddi heer wasiir ahna u saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh.

Wasiirka Cadaalada c/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo xilsaaray arintaan inuu war cad ka keeno isagoo berri la kulmi doona saraakiisha AMISOM iyo Safiirka Ugandha.


Meydadka dadkii la laayey ayaa waxay weli ku jiraan firinjiyeer cusbitaalka madiina iyadoo ehelada dadkii la dilay ay sheegeen inaan la aasi doonin inta cadaalad helayaan.



Source link