DHAGEYSO: Ninkii Xaaskiisa lagu Kufsaday Garowe oo Ka Shakeeyay Qaabka Xaaskiisa loo Kufsaday (Dhacdo Murugo leh)

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland Arbacadii nasoodhaaftay waxaa kufsi iyo dil loogu geystay gabar xaamilo ah oo lagu magacaabi jiray Hodan Axmed Maxamed oo aheyd hooyo heysata labo caruur ah kana mid aheyd dadka magaaladaasi kunool.

Cabdi Maxamed Faarax oo ah seygii marxuumad Hodan oo labo habeen kahor Garoowe lagu kufsaday kadibna ladilay, waxa uu dalbaday in cadaalada lahor keeno ragii falkaas geystay.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

Cabdi oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu magaalada ka maqnaa markii falkaasi dhacayay ayna dariskiisu kusoo war geliyeen in xaaskiisii la dilay.

Mudooyin kii danbe waxaa deegaanada Puntland kusoo badanayay falalka foosha xun ee iskugu jira dilka iyo kufsiga haba ugu badnaadaane deegaanada maamulka Puntland.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

DAAWO MUUQAALKA