Home Warka Maanta DHAGEYSO: Murashax Cosoble “Farmaajo Haka Soo Baxo Villada,Ama….

DHAGEYSO: Murashax Cosoble “Farmaajo Haka Soo Baxo Villada,Ama….

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxa uu weerar Afka ah ku qaaday Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Taageerayaasha Xisbigiisa ILEYS ayuu Murashax Madaxweyne Cosoble usheegay xilli ay banaanbax ka dhigayeen Degmada C/casiis in Banaanbaxooda ay sii wadi doonaan.

Waxa uu cod dheer kusheegay in Farmaajo ujeedinayaan in Villa Soomaaliya kasoo baxo oo aan la joojin doonin Dibad baxyada inta uu Keligiis Talisnimo ku dhaqmayo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA COSOBLE

Qaar ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga ILEYS ayaa dhankooda ku biiriyey in aysan raali ka noqon doonin keligii Taliye ay ku sheegeen Farmaajo uu sii xukumo dalka isagoo xilli shaqeedka Xafiiska ka dhamaaday.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA COSOBLE