DHAGEYSO: Maamulka Gobalka Banaadir oo ka hadlay qarixii ismiidamin ahaa ee Muqdisho ka dhacay

Barqanimadii Maanta ayay aheyd markii qarax ismiidamin ahaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomalaiya ay ku leeyihiin Isgoyska ex-Koontorool Afgooye,qaraxaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahaa.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi tuulax oo tegay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa ka hor ay goobta isku rasaaseeyeen ciidamada Booliska & laba Nin oo saarnaa gaariga qarxa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen lab ruux oo Shacab ah halka 7 kale ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah uu ahaa Askarigii istaajiyay gaariga qaraxa siday,sidoo kalena qaraxaasi ay ciidamada ka hortageen.

DAAWO MUUQAALKA