DHAGEYSO: Lafta gareen oo sadax arin Halis ah hordhigay Kheyre lagana donaayo in oo fuliyo

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa wuxuu maanta khudbad ka jeediyey isu soo bax lagu soo dhaweynayey ra’iisul wasaare Khayre oo gaarey Baydhabo.

Boqolaal ruux ayaa ka qeybgalay isu soo baxa, kaasi oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedkaasi.

Illaa iyo haatan, lama ogga waxa uu yahay ujeedka socdaalka ra’iisul wasaaraha, balse waxaa lagu macneeyay mid lagu xoojinayo xiriirka dowlada iyo maamulkaasi.

Lafta Gareen oo hordhigay wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah saddex arrimood oo uu doonayo in laga caawiyo sidii maamulkiisa wax uga qaban lahaa ayaa ku kala sheegay amniga, cadaalada iyo horumarka.

Villa Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan la leh maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la rumeysan yahay in uu kamid yahay qorsheyaasha ay dooneyso in ay madaxdeeda dib ugu soo laabtaan kuraasta doorashada soo aadan.

DAAWO MUUQAALKA