Monday, June 17th, 2019
.

DHAGEYSO: Gudoomiye Yariisow oo Ka Xanaajiyay Maanta Ciidanka Xooga Kadib Hal Arin uu Shaaciyay

,
Published on April 12, 2019 by   ·   No Comments

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa waxa uu khudbad ka jeediyey Xuska Maalinta Ciidamada Xoogga Dalka oo Muqdisho ka dhacday.

Xuskaan oo maalin laga soo hormariyey maadaama 11 Ay Maanta tahay balse 12 April Ciidanka la aas aasay ayaa waxa goob joog ka ahaa Munaasabada maanta Diblomaasiyiin Caalami ah,Marti sharaf la casuumay iyo dadyoow Kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la arkayey isagoo dhex dheelaya Kooxda Horseed Ee Xoogga Dalka oo Suugaan Guubaabo ah Goobta kusoo bandhigayey.

 

Gudoomiye Yariisoow ayaa hadalkiisa waxa uu kusoo daray in ay Ciidamada Meliteriga Labadii Sano Ee Dawlada Farmaajo jirtay heleen Xuquuqdoodii.

Hadalkaas ayuu Yariisoow waxa uu ka careysiiyey Ciidamada Meliteriga qaar oo la arkayey maalmihii dambe iyagoo gadood sameenayey.

.

DAAWO MUUQAALKA