Home Warka Maanta DHAGEYSO: General Xuud Oo ka mamnuucay in B/weyne Yuusuf Daba geed

DHAGEYSO: General Xuud Oo ka mamnuucay in B/weyne Yuusuf Daba geed




Hogaamiyaha Jabhada Kacdoonka Hiiraan general Abuukar Warsame Xuud ayaa ku dhawaaqay amar ka dhan ah Madaxweyne kuxigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Xagar (Daba geed).

Waxa uu sheegay in Yuusuf Daba geed uu sameeyey waxyaabo aan laga fileyn isagoo uyeertay Cali Guudlaawe oo hore looga diiday in Beled weyne yimaado.

General Xuud waxa uu uga digay diyaaradaha B/weyne yimaada inay soo qaadaan Yuusuf Daba geed isagoo sheegay in sidii looga mamnuucay Guudlaawe isna uusan imaan karin.

Hogaamiyaha Kooxda Kacdoon wadayaasha Gobolka Hiiraan Abuukar Warsame Xuud ayaa sheegay in wax kuraas xildhibaan ah aysan beelaha Sh/Dhexe deggan u oolin B/weyne.

Xuud ayaa duleedka Beled weyne ku heysta Maleeshiyaad hubeysan oo daacad u ah islamarkaana sheega inay kasoo horjeedaan wax kasta HirShabelle ka socda.


 





Source link