Monday, June 17th, 2019
.

DHAGEYSO: Farmaajo iyo Kheyre oo Qorsheynaya in ay Xaalad Deg Deg ah geliyaan Muqdisho

,
Published on March 30, 2019 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale xalay kulan ka yeeshay ammaanka faraha ka baxay ee magaalada Muqdisho, oo maalmihii dhowaa ay qaraxyada caadi ka noqdeen.

Kulanka ayaa looga hadlay sida wax looga beddeli karo xaaladda magaalada Muqdisho, waxaana waxyaabaha yaabka leh ee la isku soo qaday ka mid ah in magaalada la geliyo xaalad deg deg ah muddo 3 bilood ah, sida ay saraakiil ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Shabakada Allbanaadir News

Tallaabadan ayaa u ogolaaneyso dowladda in ciidamo badan kusoo daabusho magaalada, la xiro dhammaan waddooyinka magaalada, gur-guri loo galo, islamarkaana ugu yaraamn la hakiyo qaraxyada joogtada ah ee magaalada.

HALKAN KA DHAGEYSO

.

DAAWO MUUQAALKA