DHAGEYSO: Duqii Hore ee Muqdisho oo Fariin Hanjabaad ah usoo diray Dowlada Farmaajo

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cadde Gaabow ayaa sheegay in dadka degan Caasimadda ay bilaabi doonaan in ay joojiyaan waxyaabaha ay ku taageeraan dowladda dhexe ee Soomaaliya, Maadaama aysan jirin wax loo qabto Shacabka.

Cadde Gaabow waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka socdaan dhibaatooyin xooggan oo sababay in maalinwalba ay dhintaan dad Shacabka ah oo ay haleelaan Qaraxyadda xilli ay bixiyaan Canshuurta ugu badan Soomaaliya.

Dhawaan ayuu sheegay in shacabka Muqdisho ay joojin doonaan Canshuurta ay bixiyaan ,Maadaama loo diiday dadka kunool gobolka Banaadir in ay yeeshaan Maqaam Siyaasadeed.

ALLBANAADIR MEDIA