Home Xogta Dahsoon DHAGEYSO: Banaabaxa Muqdisho Oo Xaalada kusii cusleenaya Md Farmaajo

DHAGEYSO: Banaabaxa Muqdisho Oo Xaalada kusii cusleenaya Md Farmaajo




Waalidiinta carruur ay dhaleen ka maqan yihiin muddo sanado ah ayaa banaabax maanta ka dhigay Isgoyska Lambar Afar Ee Magaalada Muqdisho.

Waxay sheegeen isku soo baxayaashani inay Madaxda Dawlada Federaalka ah ka doonayaan sidii ay uga soo jawaab celin laheyd qeylo dhaanta ay dirayaan maadaama carruurtoodii la waayey nolol iyo geeri.

Madaxweyne Farmaajo & R/wasaare Rooble ayaa laga sugayaa jawaab ku aadan qadiyadaan oo dhowr jeer soo laab laabatay iskana diiday inay Xukuumada ka jawaabto baaqaasi loo soo jeedinayey,hayeeshee dhawaan Guddiga QM Ee Xuquuqul insaanka ayaa warbixin uu soo bandhigay ku sheegeen in ay heleen xog sheegeysa ciidamo soomaali ah ay ka dagaalameen Magaalada Qadiimiga ah Aksum oo Gobolka Tigree ku taalla.

Halkaan hoose ka dhageyso codka






Source link