Home Warka Maanta DHAGEYSO: Al Shabaab oo baahiyey wareysiga laga duubay ninkii ceel gaabta isku...

DHAGEYSO: Al Shabaab oo baahiyey wareysiga laga duubay ninkii ceel gaabta isku qarxiyey

Sabtidii weerar ka dhacay Isgoyska ceel gaabta ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo shacab ubadnaa.

Hibaaq Abuukar oo katirsaneyd Xafiiska R/wasaare Rooble iyo askar ilaalo ka heysay koontaroolka marka laga reebo shacab ayey ahaayeen dadka ku dhamaaday weerarkaasi ismiidaaminta ahaa.

Al Shabaab ayaa faafisey wareysi laga qaaday ninkii ka dambeeyey weerarkaasi ka hor inta uuna howlgalkaasi fulin ayaana wareysiga ay ka duubeen idaacada al Shabaab.

Maxamed Amiin Xaaji Xubi oo loo yaqaanay Carafaat oo da’diisu aheyd 20 jir kana soo jeeday Beesha Shabeelle jufada reer geedoow ayey Al shabaab sheegeen in uu ahaa ninka qaraxaasi ka dambeeyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA NINKAASI OO LA DUUBAY KA HOR WEERARKA