Home Warka Maanta Dhacdo xanuun leh oo maanta ka dhacday Guri ku yaalla Beled weyne

Dhacdo xanuun leh oo maanta ka dhacday Guri ku yaalla Beled weyne




Wararka inaga soo gaaraya magaalada beled weyne ee gobolka hiiraan ayaa sheegaya in maanta halkaasi ka dhacday arin xanuun badan.

Guri ku yaalla Galbeedka Magaalada xaafada ku taalla ee howlwadaag ayaa la sheegay in ay ku degtay shinni xeyn ah taas oo dishay wiil 11 jir ahaa dhamaan qoyska intiisa kalena waxa ay gaarsiisay shinnida dhaawac.

Guriga arinta ay ka dhacday waxaa iska leh Caalim si weyn looga yaqaano Magaalada iyo Gobolka Hiiraan waxaana lagu magacaabaa Sheekh Muxumed Nuur,kaas oo kutub ka ariya Masjirka ku yaalla Bardaha.

Xaaska Shiikha iyo carruur uu dhalay ayaa la jiifiyey cusbitaal ku yaalla beled weyne oo hadda lala tacaalayo xaaladooda kadib shinnida weerartay hoygooda oo waxyealo ugeysatay.

Waa dhif iyo naadir in dhacdadaan oo kale la maqlo shinni ayaa qof dishay ama weerar ku qaaday goob la deggan yahay gudaha Soomaaliya.

Shinnida ayaa soo saarta malabka macaanta badan ee dadku isticmaalaan,taas bedelkeeda shinnida ayaa mararka qaarkood qaniinyadeeda micida ah ay waxyeelo geysataa qofkii ay qaniinto.





Source link