DF oo war kasoo saartay weerarka ay Al-Shabaab ka geysatay HIIRAAN





mogadishu (Allbanaadir Media) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerar xoogan oo ay saaka aroor hore kooxda Al-Shabaab ka geysatay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga xun tahay weerarkaasi oo lagu laayey ku dhowaad 20 qof, ayada oo sidoo kale lagu gubay illaa 7 gaari.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xuntahay weerarka wuxuushnimada ah ee kooxaha Argagixisada ah ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa waxaa sidoo kale sheegay in dhacdadan ay muujineyso in Al-Shabaab ay tabar dhigtay, kadib markii ay kordheen howlgallada ka socda gobolka Hiiraan oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda.

“Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awooddin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka,” ayaa lagu yiri

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dhaq-dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo dalka o dhan, si looga hortego weerarada xoogan ee inta badan kooxda ka fuliso gudaha Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an in kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab in waddanka laga ciribtiro, weerarada bahalnimada ah oo ay shacabka u geesanayaan waxa ay ka marqaati kacayaan fikirka iyo hadafka kooxdaan, waxa ayna xoog iyo iskaashi u noqon doonto dadweynaha iyo dowladooda oo u taagan in maleeshiyadaan dalka laga xoreeyo,” ayaa lagu soo gabagabeeyey.

Weerarka Al-Shabaab maanta ka geysteen Hiiraan ayaa saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, waxaana go’aan isgaarsiinta, iyada oona xaaladdu ay aad u cakiran tahay.



Source link