Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Booliska dagmada Deyniile ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Cabdiqani Daahir Shire oo loo heysto inuu si bareer ah Cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaalay xaafada Gubta ee degmadaas.
Booliska ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in eedeysanahaan la horgeydoono Maxkamadda awooda u leh, iyagoo sidoo kale uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan xaalufinta geedaha nacfiga u leh dadka, duunyada iyo deegaanka.
Muuqaal laga duubay ninkaan oo Geed weyn jaraya ayaa aad ugu faafay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay, arrintaan ayaa salka ku heysa dhismaha waddo laami ah, balse in la jaro geedkaas waa laga baaqsa karay, waana inta loo heyto ninkaan.
Guddoomiyaha degmada Deyniile oo ka hadlay arrintaas ayaa sheegay in Geedkaas loo jaray si aan ku talagal aheyn oo Cagaftu ay ku dhacday, balse waxaa la hayaa muuqaalo muujinaya in si ku talagal ah Geedka loo jaray.
Dhinaca kale Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya oo ka hadashay kiiskaan ayaa digniin adag kasoo saartay Jarista Dhirta oo xiligaan muhiim u ah dalka, dadka iyo duunyada, maadaama is bedel xoog leh uu ku yimid cimillada adduunka oo dhan.
“Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya waxa ay ku bogaadineysaa Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed soo qabashada eedeeysanihii ku xad gudbay Geedka ee deegaanka nabaad guurka u horseeday, jarista iyo nabaad guurinta dhirta waa danbi ku xusan sharciga ilaalinta deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraal ka kasoo baxay wasaaradda deegaanka.
Wasaaradda ayaa cidii ku kacda inay dhirta jarto ku wargelisay inay la tiigsan doonto sharciga, “Waaanna bulshada Soomaaliyeed ku boorineynaa in ay ilaaliyaan deegaanka, kana dhowraan wax kasta oo dhibaato ku keeni kara” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasaaradda deegaanka ayaa ammaan iyo bogaadin u jeedisay dadweynaha Soomaaliyeed ee iyaguna ka dhiidhiyey falkii guracnaa ee lagu jaray dhirta, ayadoo ku tilmaantay natiijo muujineysa yididiilada in dadkeennu markaan garteen qiimaha dhirtu u leedahay deegaanka.