Home Warka Maanta Deni oo booqasho ku jooga Itoobiya iyo Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay

Deni oo booqasho ku jooga Itoobiya iyo Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay gelinkii dambe ka dhoofay magaalada Garowe ayaa gaaray dalka Itoobiya.

Safarka madaxweyne Deni waxaa xaqiijisay madaxtooyada Puntand, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin ujeedka safarkaas.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa safar gaar ah ku aaday dalka Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Itoobiya ayaa xuduud aad u dheer la wadaagta degaanada Puntland, waxaana labada dhinac ka dhexeeya xiriir ganacsi iyo iskaashiga dhinacyada amaanka iyo wax wada qabsiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu itoobiya uga sii gudbi doono  Nairobi oo la filayo inuu kula kulmo wakiilo ka socda beesha caalamka isagoo kala hadlaya isbedelada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo shirarka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka ee dhowaan lafilayo inay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Source link