Home Warka Maanta DEGDEG: Muuqaaladii lagaa qariyay ee qaraxa aadka u cuslaa ee Muqdisho ka...

DEGDEG: Muuqaaladii lagaa qariyay ee qaraxa aadka u cuslaa ee Muqdisho ka dhacay | Ha daawan | Siduu u galay dadka & degaankaba alle ayaa og

Abaare 3:10 daqiiqo ayaa gaari isku miidaamiyey kollonyo gaadiid AMISOM la socdeen oo marayey meel ku dhaw isgoyska Banaadir Ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxa uu bur buriyey mid kamid ah gawaarida qafilan AMISOM waxaana kollanyada la beegsaday ay kasoo baxeen xerada ciidanka Ee Villa Baydhabo.

Warar hordhac ah oo aan ka helnay Laamaha Amniga ayaa sheegaya in gaariga ismiidaamiyey uu ahaa nuuciisa Nooho.

Ma jirto cid faah faahin ka bixisey Qaraxa,waxaana hadda gaaray meesha qaraxa ka dhacay ciidamada Amaanka oo rasaas ridaya si ay dadka uga ceeriyaan meesha.

Gaariga la qarxiyey ayaa meesha yaalla,lama oga khasaaraha gaaray ciidanka AMISOM ee la isku miidaamiyey.

Waa Qaraxii Labaad ee seddex saac gudahood ka dhaca maanta Muqdisho,waxaana 12:00 duhurnimo qarax uu ka dhacay isgosyka ceel qalow degmada Wadajir oo ciidamo kuwa canshuurta qaada lagula eegtay.