Home Xogta Dahsoon DEG DEG: Wada-hadalladii Rooble iyo Uhuru oo billowday + Sawirro

DEG DEG: Wada-hadalladii Rooble iyo Uhuru oo billowday + Sawirro

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xarunta madaxtooyada Kenya ee Mombasa ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga la socda.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goordhow u billowday wada-hadallo laba geesood ah, oo looga hadlayo xiriirka iyo danaha labada dal, halkaasi oo la filayo inay heshiisyo ku gaaraan.

Socdaalkan ayaa imid kadib casuumad rasmi ah oo uu Ra’iisul wasaaraha ka helay madaxweynaha Kenya, taasi oo ay dhawaan soo gaarsiisay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya.

Safarka Rooble ayaa sidoo kale banaanka u soo saaray arrin xasaasi ah oo qarsooneyd oo ku aadan dhinaca duulimaadka, gaar ahaan safarada madaxda dalka.

Waxyaabaha gaarka ah ee la filayo inay safarkan ay kasoo baxaan ayaa waxaa ka mid ah in dib loo furo qaadka Kenya ay keeni jirtay Soomaaliya, oo muddo sanad ka badan loo xayiray qaadka Itoobiya oo ay heshiis ku haystaan xubno ka mid ah qoyska madaxweyne Farmaajo. 

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah wafdiga Ra’isul Wasaare Rooble ayaa saxaafadda u sheegay in ajandaha shirka Rooble iyo madaxda Kenya aysan ku jirin kiiska dacwada badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Inta aan ku jirno safarka Kenya, ka mid maahan in laga hadlo ama dib loo furo arrimaha khuseeya badda, oo ah kiis dhammaaday oo maxkamaddu go’aankeeda sii deyn doonto. Soomaaliya, Kenya, iyo Midowoga Africa midkoodna uma furna inay ka hadlaan kiiskan ilaa Maxkamaddu go’aankaas gaarto,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

 

Source link