Home Xogta Dahsoon DEG DEG: Somaliland tirada ugu badnayd cudurka covid19 laga diwaan galiyey

DEG DEG: Somaliland tirada ugu badnayd cudurka covid19 laga diwaan galiyey

Somaliland:-Tirada U Dhintay Cudurka Covid-19 Iyo Dadkii Ugu Badnaa Oo Laga Helay Mudo Afar Cisho Ah

131 qof ayaa laga helay Cudurka COVID19, lix kalena ay u geeriyoodeen cudurkaasi afartii maalmood ee u horreeyey bishan aynu ku jirno ee March, sida lagu sheegay warbixinta maalinlaha ah ee ay soo saarto Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Tiradan laga helay Xannuunkan iyo tirada u dhimatay, ayaa muujinaysa halista iyo faafitaanka cudurkan ee bulshada dhexdeeda.

Bulshada Somaliland, ayaa looga baahan yahay in ay muujiyaan taxadir dheeraad ah, isla markaana ay qaataan tallooyinka caafimaadka ee loo jeedinayo.