DEG DEG: Shirka Garoowe oo Fashilmay iyo diyaaradaha oo lakala raacayo

Hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya ayaa maalintii lixaad ku shirsan magaalada Garoowe, waxay ka wada hadlayaan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka oo ay hareeyeen khilaafyo waa weyn, wararkii ugu dambeeyeyna waxay daaha ka rogayaan fashilka dhinacyadan.

Warar hadda soo gaaraya warsidaha Puntlandtimes.com waxay cadeynayaan in ay subaxnimada hore ee maanta in wafuuda dawladda Faderaalka ay ka dhoofi doonaan Garoowe, iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho.

Sidaas oo kale wafdiyada dawlad gobaleedyada ee safarada soo galay ayaa maanta dib u laabanaya, waxaana meeshii ugu xumeyd gaaray khilaafka dhinacyadan u dhaxeeya.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

Saraakiil katirsan Xaafiisyada Madaxweynaha & Raysalwasaaraha Soomaaliya oo lagu wargaliyey safarkan ayaa sheegay in ay tani ka dhigan tahay fashil weyn oo wajahayso Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa laysku fahmi waayay gabi ahaanba qodobadii laga wada hadlayay oo uu bilowgii faham-darro ka bilowday Ajendaha oo ay dawladda Faderaalku diiday qodobadii horey loogu heshiiyey in laga wada hadlo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo martigaliyey shirkan ayaa lafilayaa in uuqabto shir Jaraa’id oo uu faahfaahin kaga bixinayo waxyaabihii laga wada hadlay.

Wararka ayaa sheegaya in ay Beesha Caalamku qabanqaabinayso kulan kale oo ay doonayso in ay dhinacyadan iskugu keento kahor bisha June ee nagu soo wajahan, xiligaas oo ay tahay in Soomaalidu la timaado qorshe mideysan.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

DAAWO MUUQAALKA