DEG DEG: Sarkaal Katirsan Al Shabaab oo isagoo dagaalamaya Gacanta lagu soo dhigay lana soo bandhigay

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay faah faahin kabixiyeen howlgal ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay kusoo qabteen sida ay sheegeen sargaal katirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Sargaal katirsan Ciidamada Dowladda ee kusugan gobalkaasi Jubbada hoose oo lahadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ciidamada ay soo qabteen Sarkaal muddo tobansano ah katirsanaa Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in sargaalkaas ay qabteeen uu qayb ka ahaa dagaalkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo,waxaana Magaciisa lagu sheegay sarkaalkaas Ibraahim lujeende Maxamed.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Sarkaalka ay qabteen uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Arimaha xograadinta ,hayeeshee uu iminka gacantooda soo galay.

Marka laga soot ago warkaan kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Jubbada Hoose majiraan dhankooda wax war ah oo kazoo baxay Al-Shabaab.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

DAAWO MUUQAALKA