Home Warka Maanta DEG DEG RW Rooble oo jawaab siiyey C/raxmaan C/shakuur & Fariinta uu...

DEG DEG RW Rooble oo jawaab siiyey C/raxmaan C/shakuur & Fariinta uu udhiibay…

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa jawaab ka bixiyey eed ka timid siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kusocotay R/wasaare Rooble.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA C/RAXMAAN ALCADAALA

Waxaan arkay shaqsiyaad baraha bulshada ku weeraraya Raysalwasaare Maxed Xuseen Rooble Kuwaas oo isku dayaya in duruufo iyaga ugaar ah ay ku jahawareeriyaan bulshada Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsanyihiin doorka uu Raysalwasaaruhu ka qaatay badbaadinta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyo sida uu ugu dhabar adaygay xaaladihii murugsanaa ee sanadkii ugu danbeeyay dalku wajahay.

Balse waa nasiib-darro in dadka qaar isku dayaan in ay dedaalka Raysalwasaaraha u isticmaalaan hub ay ku weeraraan dad kale haddii ay taasi awoodiwaayaanna isku dayaan in ay suurad xumeeyaan Raysalwasaaraha.

Ra’iisalwasaare Rooble wuu yaqaannaa shaqada utaala wuuna gudanayaa, Shacabka Soomaaliyeedna weey miisaamikaraan erayada marinhabaabinta iyo gefka ah ee laga leeyahay danaha dahsoon.

Dalku doorasho ayuu ku jiraa qofkastana calafkiisa ayuu qaadayaa, balse cidna kuma haboona in ay maslaxadeeda gaarka ah ku cabirto danaha guud ee Qaranka.