Home Warka Maanta DEG DEG Rooble oo xoog kula wareegay Tv-ga Qaranka & Radio Muqdisho

DEG DEG Rooble oo xoog kula wareegay Tv-ga Qaranka & Radio Muqdisho

Sida muuqata khilaafka udhaxeeya mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sii cuslaaday.

Xiisada udhaxeysa labada mas’uul ayaa meel sare gaartay markii xalay MD Farmaajo uu xil umagacaabay Fahad Yaasiin xaaji Daahir.

Lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo ayaana loo magacaabay Fahad Yaasiin islamarkaana xilkii NISA uu hayey mid ka muhiimsan ayaa loo dhiibay.

Hadaba Warbaahinta Qaranka Oo ka kooban telefishinka,Wakaalada Sonna iyo Radio Muqdisho ayey gacanta ugashay xafiiska Ra’iisalwasaare Rooble.

Digreetada Madaxweyne Farmaajo Oo markii hore lagu daabacay Warbaahinta Qaranka ayaa daqiiqado kadib laga saaray taas Oo khilaafka sii xoojineysa.

Warar kale ayaa sheegaya in Xubno admin ka ahaa Facebook Warbaahinta Dawlada Oo ka shaqeenayey Villa Soomaaliya laga saaray xalay saqdii dhexe.

Wariyeyaal kusugan Xarunta Warbaahinta Dawlada ayaa noo sheegay saaka Oo arbaco ah in xaaladu tahay mid caadi ah hayeeshee isbadalka dhacay uu saameeyey shaqadii Warbaahinta Qaranka.