Home Warka Maanta DEG DEG Qaraxyo xoogan oo ka dhacay magaalada + khasaaraha

DEG DEG Qaraxyo xoogan oo ka dhacay magaalada + khasaaraha

Wararka laga helayo dalka Uganda ayaa sheegaya in saaka laba qarax oo is xig xigay ay ka dhaceen bartamaha magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi, kuwaas oo geystay khasaare isugu dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Qaraxyada oo ahaa kuwa xoogan ayaa gilgilay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana sidoo kale ka dhashay dab qabsaday goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen & gaadiid ka agdhowaa.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa koowaad lagu bartilmaameedsaday xarun lagu dukaameesto oo dhu dhow  saldhigga Booliska, halka midka kalena uu ka dhacay waddo ku dhow xarunta baarlamaanka ee dalka Uganda.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan illaa laba qof ayaa ku dhintay weeraradan, halka ay ku dhaawacmen tiro kale, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan Booliska.

Ciidamada ayaa sidoo kale xiray meesha wax ka dhaceen, si loo hubiyo amniga guud goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen.

Xaaladda ayaa weli aad u cakiran, waxaana dowladda ay ku mashquulsan tahay u gurmashada dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Uganda ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay weeraro ka dhacayey Kampala, waxaana horey u sheegtay qaraxyadii ka dhacday dalkaasi Daacish oo weeraro ka fulisa caalamka.