Home Warka Maanta DEG DEG Qaraxyo Al Shabaab damacsan yihiin oo laga war helay &...

DEG DEG Qaraxyo Al Shabaab damacsan yihiin oo laga war helay & xaalka Muqdisho

Ilo sirdoon Oo la helayo ayaa sheegaya in al shabaab qorsheynayaan weerar ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.

Bartilmaameedkooda tooska ah lama carabaabin halka uu ku wajahan yahay balse waxaa laga digay weeraradaasi inay dhacaan.

Laamaha amniga ayaa la war geliyey inay feejignaan sameeyaan si looga hortego qaraxyo al Shabaab doonayaan.

Si gaar ah Hoteel,Xarumo dawladeed iyo Koontaroolada Ciidanka ku baaraan baabuurta ayaa laga digay in beegsan karo.

Digniintani waxay kusoo aaday xilli shabkad Hubeysan ciidamada amniga Soomaaliya kusoo qabteen howlgal laga sameeyey Kaxda iyo garasbaaleey.

Hub culus ayey Dawlada Soomaaliya soo bandhigtay Oo lagu soo qabtay howlgalkaasi.