Home Warka Maanta DEG DEG: Qarax Xooggan oo goordhow ka dhacay duleedka Muqdisho + Khasaaro...

DEG DEG: Qarax Xooggan oo goordhow ka dhacay duleedka Muqdisho + Khasaaro jira

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada uu ka dhacay Qarax, kaas oo jugtiisa laga maqlay qeyb ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Sida wararku ay sheegayaan, Qarax ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowladda gaar ahaan Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Inta la ogyahay saddex askari ayaa waxyeelo ka soo gaartay Qarax, waxaana bur buray gaarigii cabdi bilaha ay saarnaayeen ciidanka.

Lama cida ka dambeysa qaraxa balse inta badan qaraxyada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ka dhaca waxaa sheegta ururka Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Al-Qaa’ida