Home Xogta Dahsoon DEG DEG: Qarax xoogan oo laga maqlay Muqdisho & Faah faahin hordhac...

DEG DEG: Qarax xoogan oo laga maqlay Muqdisho & Faah faahin hordhac ah

Qarax xoog leh oo ka dhashay qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Qofka is qarxiyay ayaa la sheegay in isku qarxiyay goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen ciidamo iyo dad rayid ah. Isgoyska Juba ayaa ka mid ah goobaha laga ilaaliyo xarunta nabadsugida qaranka.

Dhawaan ayaa qarax sidan oo kale uu uga dhacay goob ganacsi oo ku taal isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Kala soco faahfaahinta warka Badweytims

Source link