Monday, June 17th, 2019
.

DEG DEG: Qarax Xoogan oo Goordhaw Ka dhacay Kismaayo iyo Faah faahino kasoo baxaya

,
Published on April 13, 2019 by   ·   No Comments

Wararka ka,imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/ Hoose ayaa sheegaya in goob lagu ciyaarayay Turub lagu tuuray bam gacmeed.

Illaa afar ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo ka dhacay xaafadda Farjano ee magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta dadka ku sugnaa ay ahaayeen dad shacab ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Jubbaland ayaa soo gaaray meesha ay wax ka dhaceen, islamarkaana ka sameeyay baaritaano kooban.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi loo adeegsaday bamgacmeedka.

Dhanka kale weli wax hadal ah kama soo bixin laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xillii muddooyinkii ugu dambeeyay ay daganeyd xaaladda amni magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

.

DAAWO MUUQAALKA