Monday, May 27th, 2019
.

DEG DEG: Qarax kale Oo Khasaare dhimasho iyo dhaawac geystey Oo ka dhacay….

,
Published on May 14, 2019 by   ·   No Comments

Muqdisho (Allbanaadirmedia)-Laba askari oo ka tirsan Ciidamada Militariga ayaa ku dhintay qarax gaari Cabdi bile ah lagula eegtay Jaamacadda Shabelle oo ka tirsan Deg.Garasbaaley.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay halka loo yaqaan Jaamacadda Shabelle oo ku dhaw deegaanka Waydow, xilli askartaan ay ka soo laabteen aaska Askari kale oo ka tirsan Ciidamada dowladda oo xalay lagu dilay Muqdisho.

Ciidamada oo saarnaa gaari Cabdi bile ah ayaa qaraxan lala eegtay, waxaa halkaasi dhaawac uu ka soo gaaray askar kale oo ka mid aheyd Ciidamadii saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay.

Gaariga Cabdi bilaha ah ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoog leh oo ka dhashay qaraxa miinada ah ee Ciidamada lala eegtay.

Wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye ayaa waxa ay noqotay ammaankeeda mid halis badan oo gaadiidka qaraxyo lagula eegto, islamarkaana amnigeeda uu faraha ka baxay.

 

.

DAAWO MUUQAALKA