DEG DEG: Qarax is-miidaamin ah oo lagu dilay guddoomiyihii MARKA





Marka (Allbanaadir Media) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhowr ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Marka, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii degmadaasi, Cabdullaahi Cali Waafow, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa is-miidaamin, waxaana lala beegsaday goob uu ku sugnaa guddoomiyaha, waxaana sidoo kale ku dhintay 11 qof oo kale.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli aad u kacsan, waxaana isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi lagu dilay guddoomiye Waafow.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah ka fulisa gudaha dalka, waxaana aad loo xasuustaa qaraxii Beledweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net.



Source link