DEG DEG: Qarax goordhow ka dhacay magaalada Baraawe








Baraawe (Allbanaadir Media) – Warar naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhow qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha magaallo xeebeedka Baraawe oo caasimad rasmi u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay Baraawe ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay Boosteejo laga raaco baabuurta aada dhanka deegaanka Kuunya-barow

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana sidoo kale socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Baraawe ayaa waxaa inta badan weeraro ku fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaanno duleedka ka ah degmadaasi.

Faahfaahinta kala soco:-caasimada.net









Source link