Home Warka Maanta DEG DEG: Maamul gobolleedkii 2aad oo magacaabay guddiga doorashada Aqalka Sare

DEG DEG: Maamul gobolleedkii 2aad oo magacaabay guddiga doorashada Aqalka Sare




Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr. Cali Saciid Faqi ayaa maanta waxa uu ku magacabey xubnaha xildhibaanada golaha wakiilada ee qaban-doona Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Waxa uu sheegay Gudoomiyuhu isagoo qiimeynaya aqoontooda iyo shaqadaan loo igmaday sida ay uga soo bixi karaan uu udoortay howsha doorashada inay qabtaan.

11 Xildhibaan oo labo ay haween yihiin ayaana guddiga maanta la magacaabay ay ka kooban yihiin taas oo looga fadhiyo inay deg deg howshooda uguda galaan.

Shaqada ugu horeysa ayaa ah inay guddoon dhexdooda iska doortaan ka hor inta aan loo soo gudbin liiska murashaxiinta aqalka sare utaagan oo ay kadib doorashada uqaban doonaan.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa noqonaya Dawlad Gobolleedkii Labaad ee magacaaba guddiga qaban qaabada doorashada Aqalka sare,sidaan oo kale Isbuucii hore Gudoomiyaha Baarlaamka Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa magacaabay guddiga Jubbalan ee qabanaya doorashada Xildhibaanada Cusub aqalka sare.

Gudoonka Baarlamaanada Puntland,Hirshabelle iyo Galmudug ayaa laga sugayaa in iyaguna ay soo magacaabaan Guddi xildhibaano ah oo diyaariya howsha Qabashada Doorashada Aqalka sare.






Source link