Home Warka Maanta DEG DEG: Janan oo si weyn loogu soo dhaweeyey Beled-Xaawo

DEG DEG: Janan oo si weyn loogu soo dhaweeyey Beled-Xaawo

Waxaa uu sheegay in Janan uu muhiim u yahay nabadda Gobolka Gedo, isla markaana uu gartay in uu u hiiliyo Qaranimada Soomaaliya, sidoo kalena ay dadaal ku bixisay dowladda Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( janan) oo wata Ciidamo farabadan iyo Gaadiidka dagaalka ayaa soo garay deganka Najax ee duleedka Beled-Xaawo, waxana u halkaasi kula kulmay wasiiro uu kamid yahay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala kadibna waxaa la keenay Beled Xaawo.

Janan ayaa la filayaa inuu Beled-Xaawo kula kulmo taliyaha NISA Fahad Yaasiin waxayna wararka sheegayaan in loo soo gudbin doono Muqdisho si uu ula kulmo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.



Source link