Home DAAWO DEG DEG Ikraan Tahliil Hooyadeed oo Hada Shaacisay Wixii ay Kala Kulantay...

DEG DEG Ikraan Tahliil Hooyadeed oo Hada Shaacisay Wixii ay Kala Kulantay Farmaajo

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo maanta hadal ka jeedisay kulan lagu dalbanayey in Ikraan ay cadaalad hesho ayaa shaacisay in dhowr mar ay ku guul-dareysatay inay ku hesho xiriirro ay la sameysay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo iyo Marwadiisa Seynab Macalin, si ay ugala hadasho arrinta gabadheedii Ikraan.

 

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka dalbanayaa in dhibka igu dhacay ee Wadnaheyga dhimbisha dabka ah ku dhejiyey ay ka hor-tagaan, si gabar ama wiil dambe oo Soomaaliyeed uusan ugu dhicin,” ayey tiri Hooyo Qaali.

 

Waxay sheegtay in Farmaajo ay marar badan codsi u dirtay oo ku hor oysay, balse codsigeedii iyo xiriirradii ay la sameysay uu dheg jalaq u sii diiday.

 

“Madaxweynaha lambarkiisaan helay waan wacay, markii uu iga qaban waayey, fariin ayaan u diray, iigama soo jawaabin, marwadiisa ayaan taleefan u diray, waa iga qaban weysay, waxaa ii cad in Farmaajo cadaaladda iga hor-taagan yahay oo raggii gabadheyda ku dhex-dhibaateeyey xarunta NISA uu maanta xasaanad u raadinaayo, umadda Soomaaliyeed ha igu garab istaageen cadaalad u raadinta dhabadheydii Ikraan,” ayey yiri Hooyo Qaali.

 

Sidoo kale Hooyo Qaali ayaa aad ugu mahad celisay Ra’iisul wasaare Rooble iyo dhamaan dadkii maalmihii lasoo dhaafay u banaan-baxay in Ikraan Tahliil ay cadaalad hesho, iyadoo Rooble ka codsatay in arrinteeda uusan ka quusan ilaa inta laga sal-gaarayo.

 

Sidoo kale beesha caalamka iyo hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaya ayey ka codsatay in aysan ka sii aamusnaan arrinta gabadheedii Ikraan.

 

Kulan xasaasi ah oo hadda Muqdisho uga socda Xasan Sheekh iyo Fahad YaasiinKulan xasaasi ah oo hadda Muqdisho uga socda Xasan Sheekh iyo Fahad Yaasiin

Xog: Yaa ka dambeeyay in Jeneral Bashiir Goobe loo magacaabo xilkiisa cusubXog: Yaa ka dambeeyay in Jeneral Bashiir Goobe loo magacaabo xilkiisa cusub

Wiil Soomaali ah oo wiil kale oo Soomaali ah arrin yaab leh ugu dilay SwitzerlandWiil Soomaali ah oo wiil kale oo Soomaali ah arrin yaab leh ugu dilay Switzerland

Ugu dambeyntii Qaali Maxamuud Guhaad ayaa guddoomiyaha ururka haweenka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ku eedeysay inay ka gaabsadeen arrinta Ikraan Tahliil oo iyagu ay dad ugu xigeen, sida ay sheegtay.

Hoos ka Daawo