DEG DEG: Hoggaamiyihii Al-Qacida Ayman al-Zawahiri oo la dilay




Washington (Allbanaadir Media) – Hoggaamiyihii Al-Qacida Ayman al-Zawahiri ayaa lagu dilay weerar drone ah oo ay fulisay CIA-da Mareykanka, waxaa sidaas shaaca ka qaaday saraakiil Mareykan ah. 

Zawahiri, oo ah dhaqtar qalliin oo Masri ah, ayaa gacan ka gaystay isku xirikii weeraradii September 11, 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.

Weeraradaas ayaa lagu afduubtay afar diyaarad oo rayid ah kadibna lagu weeraray daarihii mataanaha ee Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee New York, xarunta Pentagon-ka iyo goob maran oo ku taalla gobolka Pennsylvania, waxaana lagu dilay 3,000 oo qof.

Sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Reuters sheegay in weerarka Drone-ka ah ay CIA-da ka fulisay magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan, Axaddii.

“Axaddii, Mareykanka wuxuu fuliyey weerar ka hortag argagixiso oo ka dhan ah bartilmaameed muhiim ah oo ka tirsan Al-Qacida, weerarkaas oo ka dhacay Afghanistan,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan maamulka madaxweyne Joe Biden.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid guul leh, mana jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay,” ayuu ku daray. 

Weerarka CIA-da ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan haddii kooxda Taalibaan ay gabbaad siisay Ayman Al-Zawahiri kadib markii ay la wareegtay gacan ku haynta Kabul bishii August 2021. 

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey in weerarka uu dhacay, wuxuuna u cambaareeyey si xooggan, isaga oo ugu yeeray xadgudub ka dhan ah “mabaadi’da caalamiga ah.”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in 7:30 pm xilliga Washington, kuna beegan 2:30 am Talaado xilliga mogadishu, uu qabto shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo dilka Zawahiri. 

Qarax xooggan ayaa saacadihii hore ee Axaddii laga maqlay Kabul. 

“Guri ku yaalla xaafadda Sherpoor ayaa waxaa ku dhacay gantaal culus. Wax khasaare ah kama dhalan weerarka maadaama guriga aysan cidna ku sugneyn,” waxaa sidaas goor hore sheegay Abdul Nafi Takor oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha dowladdaTaalibaan.

Geerida Al-Zawahiri ayaa imaneysa 11 sano kadib markii Mareykanka ay weerar ka dhacay dalka Pakistan ku dileen hoggaamiyihii hore ee Al-Qacida Osama bin laden, markaasi oo kadib Zawahiri uu la wareegay hoggaanka.



Source link