Home Warka Maanta DEG DEG Heshiis gaar ah oo dhexmaray Farmaajo & Axmed Madoobe iyo...

DEG DEG Heshiis gaar ah oo dhexmaray Farmaajo & Axmed Madoobe iyo Xog Sir ah oo laga helay

Ismari waa ka taagnaa maalmihii dambe ayaa la xaliyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe & Madaxweynaha Soomalaiya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Lafta gareen oo howsha doorashada xildhibaanada gobolka gedo ka imaanaya Farmaajo wakiil uga ah ayaa la galay heshiis kuraasta qaar Axmed Madoobe.

Muran badan oo ka taagnaa kursiga tirsigisu yahay HOP116 ayaa hadda lasoo tebinayaa in xal la gaaray kadib markii la sheegay in is jiid jiid badan la isku afgartay arin lagu wada qancay.

C/casiis Laftagareen iyo Axmed Madoobe ayaa waxay isku afgarteen sida la sheegay in kursiga Xildhibaanimo aan lasiin murashax Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo Farmaajo iyo Madoobe midna aan xiriir wanaagsan la laheyn.

Laftagareen ayaa doonaya in kursigaan Janan raadinayo uu siiyo shakhsi lagu sheegay inuu yahay abtigiis oo lagu magacaabo Cabdullahi Cabdi Afloow oo musharax Xildhibaan ah.

Madaxweynaha Farmaajo iyo Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe aya Laftagareen u ballan qaadeen inay Afloow usoo saari doonaan Xildhibaanimadisa uula kulmi doonin wax qabad ah hadii aan wax isbadelin.

Geesta kale, mas’uuliyinta Koonfur Galbeed ayaa waxay sheegeen in la filayo in Madaxweyne Laftagareen uu todobaadkaan safar ku aadi doono Kismaayo si loo fuliyo heshiiskii Gobolka Gedo iyo sidi loo xaqiijin lahaa in doorashada Garbahaareey ka dhaceyso ay noqoto mid wadar-ogol oo jawi deggan ku dhacda.

Ugu dambeyn waxa hoos u dhac weyn ku yimid rajadii Cabdirashid Janan uu ku naawilayey in xildhibaanada Baarlamanka 11aad uu xubin kaga noqdo.

Cabdirashiid Janan wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland ayaa kulamo gaar gaar ah waxa uu ka wadaa muqdisho iyadoo lasoo tebinayo in culeys uu weyn wajahayo.