Home Xogta Dahsoon DEG DEG: Gabar inta la gowracay Digsi lagu gambiyey Gudaha Muqdisho

DEG DEG: Gabar inta la gowracay Digsi lagu gambiyey Gudaha Muqdisho




War naxdin leh ayuu ahaa oo kusoo dhacay Warqabadka Allbanaadir Media,waxaana maanta duhurnimadii nasoo gaaray khabarka ah in Gabar inta la gowracaya Meydkeeda la jar jaray qeyb ka mid ah.

Gabadhaan oo lagu gambiyey Hilibkeeda markii la jar jaray Digsi nuuca sabta lagu kariyo ah ayaa lagu arkay maanta oo Talaado ah Xaafada Suuq Boocle meel ku dhaw Iskuulka Dhame Yaasiin Cartan Ee Degmada Wadajir.

Seddex Maalmood ayaa Nafisa ay reerkooda ka maqneyd da’deeda waxa lagu qiyaasay 10 sanoiyadoo ciidamada amaanka ay baaritaan ku hayaan falkaasi sida uu udhacay waxaana loo xiray todobo qof sida saraakiisha qaar inoo sheegeen.

Wariye katirsan Allbanaadir Media ayaa tegay guriga falkaan naxdinta leh ka dhacday waxaana idiin soo gudbin doonaa Sawirro aan soo qaadnay.

XOGTAAN WIXII KASOO KORDHO INSHA ALLAAH DIB KALA SOCDA 





Source link