Home Warka Maanta DEG DEG Faysal Cali Waraabe oo ka hor yimid masaafurinta ay Somaliland...

DEG DEG Faysal Cali Waraabe oo ka hor yimid masaafurinta ay Somaliland ku sameysay dadka kasoo jeeda Koofurta Somalia

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Soomaaliland Faysal Cali waraabe ayaa si kulul uga hadlay qaabka loo maareeyay musaafurintii boqolaal ruux dhawaan uu maamulka Somaliland ku sameeyay dad degenaa magaalada Laascaanood.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in qaabka loo maray uu ahaa hab aan cilmiyeysneyn isla markaana uu cambaareynayo.

“Qaab ma ahayn cilmiyaysan, mid sharaf dil ah ayuu ahaa habka loo maray waana cambaareyay horeyna waan u cambaareeyay haddana waan cambaareynayaa “ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo la hadlayay laanta afka soomaaliga ah ee BBCda.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay habooneyd in la kala saaro dadka inta aan la masaafurin isla markaana baaritaan lagu sameeyo dadka la tuhmayo inay ku lug lahaayeen falal amni darro.

Inkastoo uu mid kamid ah hogaamiyaasha mucaaradka Somaliland uu cambaareeyay masaafurintan ayaa waxaa weli ka sii socda magaalada Laascaanood musaafurinta dadka ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya.