Home Warka Maanta DEG DEG Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray geerida Majaajiliiste Ajakis

DEG DEG Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray geerida Majaajiliiste Ajakis

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war kasoo saarayu geerida naxtinta leh ee maanta ku timid Allaha u naxariistee Jilaagii Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

Ugu horreyn Farmaajo yaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Ajakis oo ku geeriyooday Muqdisho.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa. Aamiin”

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna ka hadlay geerida ku timid Marxuumka oo maalmahan ku xanuunsanayey Muqdisho.

Rooble ayaa ehellada marxuumka, bahda fanka, saxaafadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Jilaa Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

“Allaha u naxariisto jilaagii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo ku magac dheeraa Ajakis oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, asxaabtiisii, bahda fanka iyo saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu

AUN marxuumka ayaa sidoo kale caan ku ahaa jiliinka iyo madadaalada, isaga oo tabin jiray barnaamijyo toos ah, kuwaas oo ay jeclaayeen dadka Soomaaliyeed.