Home Warka Maanta DEG DEG Farmaajo iyo Rooble oo Dagaalkooda lasoo Afjaray iyo warar farxad...

DEG DEG Farmaajo iyo Rooble oo Dagaalkooda lasoo Afjaray iyo warar farxad leh oo sheegaya in

Sida ay Warbaahinta  u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasiyinta Abgaal ee taageersan maamulkiisa islamarkaana lagu sheegay guddi nabadeed, waxa uu u diray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Injineer Maxamed Xuseen Rooble. 

Guddigaan ayaa waxaa qayb ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, guddoomiye ku-xigeenka xoogaga Wadaniyiinta Xuseen Carraale, Garaad Cageey iyo Boqoe Cabdullaahi Geedi Shadoor. 

Cali Maxamed Geedi Ayaa Lagu Tuhmayaa Inuu ka Mid yahay saxiibada Madaxweyne farmaajo Wuxuuna Dhankiisa Shrar la Qaadanayey Siyaasinta Kasoo Jeeda Muqdisho Si Arintani Ay xal Uga Gaadhaan.

Xubnahaan ayaa la sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble ula tagi doonaan laba qodob oo kala ah. 

1- In Yaasiin Cabdullaahi Fareey loo dhaafo in uu sii ahaado Agaasimaha kumeel gaarka ee hay’adda NISA, oo uu dhowaan u magacaabay Madaxweyne Farmaajo. 

2- In Madaxweyne Farmaajo ay ka keenayaan in uu booskiisa u dhaafo Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ilaa hada magacaabistiisa dood ka taagantahay. Sidaasna labada boos la isku dhaafsado. 

Xubnahaan ayaa xalay la balansanaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble,  balse waxaa la sheegay in kulankaas uu dib u dhacay waxaana la filayaa in uu qabsoomo Sabtida todobaadka soo socdo. 

Raysal wasaaraha Xil Gaadhsiinta Maxamed Xuseen Rooble Ayaana la ogayn Inuu Aqbalay Soo Jeedinta Uga Timi Siyaasintani.

Lama oga go’aanka uu Rooble ka qaadan doono qorshaha xubnahaan ka socda Madaxtooyada Soomaaliya ay wadaan oo la rabo in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.