Home Warka Maanta DEG DEG Fahad Yaasiin oo Amar Cusub Soo Saaray Kadib Dilkii Ikraan...

DEG DEG Fahad Yaasiin oo Amar Cusub Soo Saaray Kadib Dilkii Ikraan Tahliil

Allbanaadir Media ayaa heshay xog sheegeysa in uu socdo qorshe lagu soo afjarayo Kiiska ikraan Tahliil Faarax oo aad looga fal celinayey bilihii lasoo dhaafay.

Xalay markii taliska Nisa ay shaaciyeen in la dilay Ikraan Tahliil oo ay Al Shabaab ku eedeeyeen ayey mowjado kale gelisey tuhunkii la qabay.

Allbanaadir Media ayaa heshay xog sheegeysa in Taliyaha NISA Fahad Yaasiin uu shalay udhoofay dalka dibadiisa islamarkaana uu Amar ku bixiyey in kiiskaan lasoo af jaro.

Waxa uu amray in xilka laga qaado Taliyaha NISA ee Gobolka banaadir Yaasiin Fareey xabsigana la dhigo si dusha looga saaro inuu abaabulay qafaalka ikraan.

Sirdoonka Xubno lasoo shaqeeyey Oo xogtaan laga soo xigtay ayaa sheegay in Cabdullaahi Kulane loo xilsaaray xilka qaadista Yaasiin fareey.

Bil ka hor Ra’iisalwasaare Rooble ayaa Kulane ka qaaday xilkii uu ka hayey Nisa balse weli awood muuqata ayuu heystaa iyadoo gacanta midig ee Fahad Yaasiin inuu yahay lagu sheego.

Guux weyn ayaa ka jira Muqdisho Oo ku aadan in la diyaariyey qorshe lagu deminayo kiiska ikraan Oo fadeexad ku ah habka shaqo ee Taliska Nabad sugida Soomaaliya.

Waxaana macquul ah in xitaa Wasiirka amniga Dalka Xasan Xundubeey Jimcaale oo muddooyinkii dambe warkiisa la maqal xilka laga qaado.