Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u sheegtay inuu geeriyooday Madaxweyne Ebrahim Raisi iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Hossein Amir-Abdollahian oo ay weheliyeen 7 xubnood oo kale , sida u sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Iran ee Arrimaha fulinta, Mohsen Mansouri.
Si la mid ah, telefishinka dawladda Iran ayaa xaqiijiyay inuu madaxweyne Raisi ku geeriyooday shilka diyaaradeed, Waxaana meydadooda saaka aroornimadii laga helay dhul buuraley oo ay kula burburtay dayuuradii ay la socdeen markii ay ku xumaatay cimilada
Sida ku cad qodobka 131 ee Dastuurka Iran, ku xigeenka koowaad ee Madaxweynaha Iran, Mohammad Mokhber waxa uu si ku meel gaar ah ula wareegayaa xilka Raisi isagoo ogolaansho ka helaya hoggaamiyaha sare. Golaha sare ee Iran waa in uu diyaariya doorasho madaxweynaha cusub 50 maalmood gudahood.
Kooxda samatabbixinta Bisha Cas ee Iran ayaa gaaray, halka ay ku dhacday diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran, kaddib markii diyaaradda aan duuliyahan lahayn ee Turkiga Bayraktar “Akıncı” ay soo bandhigtay muuqaalka goobta u muuqata inay diyaaradda ku dhacday.