DEG DEG: Dooni hub siday oo lagu qabtay xeebaha Soomaaliya iyo Cida loo waday oo la ogaaday

Cutubyada ka socda taliska Ciidamada Mareykanka ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay doon la sheegay in ay wadday shixnado hub ah, sidda ay sheegayaan warbixino aan la socon fahfaahin dheeraad ah.

Sidda ay muujinayaan wararka laga helayo warbaahinta maxaliga ah, hubka la qabtay ayaa isugu jira garneelada garbaha laga gano ee RPG, BKM iyo AK- 47.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamadda Mareykanka iyo Dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan ciidamadda badda.

Su’aallaha la doonayo in dhinacyadda ka jawaabaan waxaa kamid ah; cidda ay u rarneyd doonta, halka lagu qabtey iyo meesha ay kusii jeeday.

Xeebaha Soomaaliya oo ay joogaan ciidamadda dowlado kala duwan ayaa lagu tilmaamaa “mid kamid ah badaha ay ka dhacaan dambiyadda ugu badan”.

Inta badan doonyaha hubka lagu qabtay gudaha biyaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u rarnaayeen maleyshiyadda Al-Shabaab oo la aaminsan yahay in ay taageerada ay ka hesho dibadda ay isugu jirto sahay ciidan iyo dhaqaale.