DEG DEG: Deni oo ku dhowaaqay go’aankiisa musharaxnimo ee xilka madaxweynaha Soomaaliya








Garoowe (Allbanaadir Media) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa go’aankan uga dhowaaqay kulan uu caawa la yeeshay xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Puntland.

Deni ayaa tan iyo markii ay billowdeen doorashada xildhibaanada, iyo kasii horba, waxaa aad loo hadal hayey inuu damac ugu jiro xilka madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo ugu dambeyn uu caawa xaqiijiyey. 










Source link