Home Warka Maanta DEG DEG Dagaal Xoogan oo Hada Ka Socda Magaalada iyo Wararkii ugu...

DEG DEG Dagaal Xoogan oo Hada Ka Socda Magaalada iyo Wararkii ugu Dambeeyay

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Galbeed iyo Xubno ak tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Booliska ku leeyihiin Xaafada Suuwa Xoolaha ee Magaalada Baydhabo, waxaana halkaas ka dhacay dagaal qaatay in ka badan 30 daqiiqo.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in dagaalka ay ku dhaawacmeen laba Carruur oo Walaalo ah, sidoo kale uu khasaaro kasoo gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska  Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaal kooban oo ay la galeen.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashada Golaha Shacabka, sidoo kalena maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen howlgallo amniga lagu xaaiijinayay.