DEG DEG DAAWO: Xildhibaan Xidig oo si adag ugu hanjabay Axmed Madoobe

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sheegay in 22kii bisha August loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah uga jawaabay hanjabaad dhawaan ka timi Axmed Madoobe oo isna dib loo doortay isla 22kii August ee sannadkan.

Mr, Xidig wuxuu cadeeyey in aysan u hakin doonin haba yaraatee Hanjabaad iyo dil kasta oo uga yimaada dhinaca Madaxtooyada Jubbaland, isagoo sheegay in ay hayaan magacyada iyo sawiradda dad uu sheegay in ay geysteen dilalkii u dambeeyey eek a dhacay magaalada Kismaayo.

Sidaas oo kale wuxuu tilmaamay in ay Isbedel-doonka uu madaxda u yahay ay doonayaan in Jubbaland ay si nabad ah ugagudubto marxaladaha ay ku jirto, isagoo ku eedeeyey Axmed Madoobe in uu sifo sharci darro ah iskugu dhajinayo kursiga oo ay tahay in uu sharciga raaco.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in cid kasta oo cabsi hayso aysan gaari karin Jubbaland, wuxuuna xusay in ay dadaal badan galinayaan sidii Jubbaland mideysan ay u dhisi lahaayeen, taas oo taabagal ka dhigaysa qorshaha nabadgalyada.

DAAWO MUUQAALKA