DEG DEG DAAWO: Shabaab oo Gudaha U Galay Dowlad Deegaanka Soomalida itoobiya iyo dagaal xoogan oo socda




Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay weerarkii ay ku qaaday degmooyinka Yeed iyo Caato ee dhaca xaduudka Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasi oo guul weyn ay ka sheegatay.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa goordhoweyd faafiyey sawirada weeraradaas oo ay sheegtay inay dagaal-yahaanadooda xasuuq ba’an ku gaarsiiyeen ciidamada Liyuu Booliska ee ku sugna xeryaha ciidamada ee deegaanadaas.

Sidoo kale waxay sheegeen in weeraradaas ay ku dileen in ka badan 87 askari oo Itoobiyaan ah, ayna sidoo kale ku soo furteen hub, gaadiid iyo saanado ciidan.

“Ciidamadeenu waxay dul tageen meydadka ugu yaraan 87 askari oo kamid ahaa maleeshiyaatka lagu xasuuqay weeraradii lagu qaaday xeryaha Yeed iyo Aato, waxaana suuragal ah in khasaaruhu sii kordho,” ayuu yiri sarkaal u hadlay Al-Shabaab oo u waramay warbaahintooda.

HALKAN RIIX KA DAAWO MUUQAALKA

Sidoo kale waxay soo bandhigeen maxaabiis ay nolosha kusoo qabteen, intii ay dagaaladu socdeen, sida ay sheegteen.

Inkasta oo deegaanada uu dagaalku ka dhacay yihiin dhul Soomaaliyeed oo ka tirsan deegaanada gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadana waxaa ku sugan ciidamo ka amar qaata dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.