DEG DEG DAAWO: Askari ka tirsan Puntland oo goordhow lagu dilay Boosaaso & Xaalad kacsanaan oo magaalada ka jira

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan ay Bartamaha magaaladaas ku dileen askari ka tirsan Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland.

Ragga hubeysan ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in askariga ka tirsan Ciidamada Puntland ay dhowr xabadood ku dhufteen,xilligii Afurka,isaga oo ku sugnaa Goob Jaadka (Qaadka) lagu iibiyo oo ku taalla meel u dhow Isgoyska Xalwo Banaadir.

Askariga la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo gaabiyay Xamari,waxaana goobta ka baxsaday raggii hubeysnaa ee ka dambeeyay dilkaas,sida ay sheegeen dad ku sugan Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka askariga,waxaana ay sameeyen howlgallo baaritaano wallow aan dad loo qaban dilkaas.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

DAAWO MUUQAALKA