Home Warka Maanta DEG DEG: Ciidanka Duufaan oo xirtay aagga Godka jilicoow & Xaalada oo...

DEG DEG: Ciidanka Duufaan oo xirtay aagga Godka jilicoow & Xaalada oo kacsan

Wararka ka imaanaya aagga daljirka dahsoon ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada duufaan ee qeybta ka ah NISA ay la wareegeen saaka agagaarka halkaasi.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xirtay waddooyinka gala aagga godka jilicoow oo ay NISA ku shaqeyso iyadoo xiisad ay ka jirto halkaasi.

Warar la helayo ayaa sheegaya in saraakiisha nabad sugida qaarkood ay kala shaki ka dhex abuurantay taas oo khilaafkooda banaanka usoo baxay.

Ciidamada Duufaan waxay hoostagaan Fahad Yaasiin iyadoo laga cabsi qabo isku dhac dhexmara ciidanka iyo saraakiisha hogaamisa ee is khilaafay.

Waxaa xiran isku socodka wadada daljirka dadkana waxay ka cabsi qabaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo halkaasi ka jira.